Pages

Wednesday, April 29, 2009

Dictionary Somali to Somali advance level

A (a) ( first somali alphabet)xarafka koobaad ee elifka soomaalida.waa shaqal
-a naxwe qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo lixda shibena ku dhamaada
(c,h,kh,q,x hamzada magaca,daaha,jookha,maraq-a,madax-a,iyo go-a
Aa(a)xarafka (a) oo dheer
Aaabayeelid (da) u dan gelid,tixgelin
Aabayn (ta)tixgelin,aabo yeelid
2-(weel) xoolayn.
Aabe (ha) ( father ) aabe ayaa ka yimid Soomaaliya. my father came from Somalia.qof lab oo wax dhalay labada waalid Kan lab ah ama (Aabo)
Aabur- ka weel afka ka awda;dabool,fur
Aaburan: (creation) dog is one of (God)Allah creation deserve care. eey waa mid ka mid aabbuur ilaahay waxuuna mudan yahay xanaano.
Aabburid(-da)(cover,lid, (please cover the jug when you get the weel dabool saarid,daboolid
Aabi(-ga)Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco;gardarro,maag,daandaansi
Aabo(-ha)tixgelis:danayn
Aabayeel
Aad -dhab si daran 2.adigu
-aad – tiraab labo dabo karo tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abaaran tahay( seddex-aad 3d)shan-aad,5d sagaal-aad
Aadaan: ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (addin)
Aadane-(ha) intii nebi Aadan dhalay ka mid ah, dad, qof.
Aaddan- ku abbaaran,toosan,eg, beegan.
Aaddanaan (ta)ku abaarnaan,toosnaan,ekaan, beegnaan.
Aadid(da) meel ku socosho tegid
Aafeyn: aafo gaarsiin
Aafo (da) dhibaato aad u weyn
Aagaan-(ka)furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2-haan yar
Aakhir (ka)final,last, kan danbe
Aakhiro (da) Meesha iyo nolosha danbe ee lagu noolaan doono,kolka aduunka laga tago
Aalaa:(most) he stay home most of the time, aalaa wuxuu joogga guriga. inta badan,badanaa,dhaaxa,qajeel.
Aalad (-da)(tool)(equipment)(weapon) my uncle has good construction tools, adeerkay wuuu haystaa aalado fiican oo dhismaha. Alaabo wax lagu qabsado,qalab,hub
Aaladeyn: Aalad u yeelid,qalabayn,
Qalabayn,qurxin,
-aale: Erey ulajeeddadiisu dhow tahay”kasta”walba “alla”sida “had iyo goor aale”wax alla allaale
Aalkol (-ka)(alchohol)biyabbiyood aan midab oo baabi’I og,oo siyaalo badan loo soo saaro,waxna loogu qabsado ama “aalkolo”
Aalo (-da) (calf)qaalmaha yaryar oo lo’da.

Aameel: (-ka) 1 haruub 2.wixii waxay arkaan iska raaca.
Aamiin: erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ula jeedadiisu tahay “ilaahow aqbal”
Aammin: 1 qof aan dhagar iyo laqdabo aqoon,daacad,lillahi 2,meel,kd.nabad ah,aan cabsi lahayn
Aamminid(da) kalsooni ku qabid rumaysasho,rumaysasho.
Aaminnimo(da) Aammin ahaansho,daacadnimo,lillaahinnimo.
Aamus: hadal la’aan, shib,
Aamusan :aan hadal lahayn shib ah.
Aammusnaan:hadlin la’aan,shib ahaan
Aan:Aniga,aan,I,ii anaga,inniga,aanu,na,noo,qofka hadlaya ama wax qora haya
Aanayn: Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Aano(da) xumaan hore oo lays gaarsiiyay oo in laga aar guto uurka lagu hayo,gudub,utun,asaaye,aarsi,dakano
Aar (ka) libaax wayn oo lab ah,2.Aan baqin,geesi, 3. Aarsi
Aaran : qaalmaha yar yar oo geela,qaan,2.doog iyo barwaaqo
Aarbax(a)Eadbax
Aarbixid(da)Eed bixid
Aargudasho: (da) aarsasho,aarid,
Aargudid:(da)Aarid
Aarid (da)qof hor loo dilay darti,qof u dilid.aargudid.
Aarnimmo(da)Aar ahaansho,geesinimo
Aarsasho(da) Aargudasho,Aarid
Aarnimo (da)Aarnimo,geesinimo.
Aarsasho(da)Aargudasho
Aarsi(ga)Aargudad,aarsad.
Aas:(ka)xabaasha (dadka dhinta)iyo waxa ku saabsab,duug
2.Iftiinka midabyada leh oo qoraxdhaca,cirguduud,cilcillow
Aasan: la xabaalay, la duugay
Aashaa: aash Si miyir leh,iyo xasilooni ku jirto,aayar,tartiib
Ashuun(ka)weel biyah lagu shubo oo laga sameeyo  dhoobo,malbo,jalxad,shaaanbi,ballaas.
Aasid : xabaal ku ridid,duugid,xabaalid.
Aasnaan  (ta)wax la xabaalay ahaan
Aasmid : xabaalmid duugmid,
Aasnaan:wax la xabaal ahaan,xabaalnaan
Aaway? Xagee buu (ama “bay”) jiraa ama jirtaa, meeyay, meeday ama aaway.
Aawo:daraar,dar,aw
Aayad (da)suurad quraan,tixadda ay ka koobaan tahay,midiiba.2-wax aah horay loo arki oo yaab leh 3.mucjiso
Aayar: si deggan oo miyir leh,qun yar,tartiib,xasil.
Aayatiin(ka)wax tar aan durbaba dhalane.waa danbe,oo iyadda oo loo baahan yahay,wax tarkooda helid,ku tabkicid.
Aayo_(da)wa shedan tahay) Carruurta hooyadood mahee,oorida kale,oo Aabbahood qabo.
2.ha.waxtar waa danbe wax  laga dheefo,ciribdanbeed,aayatiin,meecaad,
liil danbe ama “aaye”
Ab (ka) Awoowayaashii hore oo laga soo jeeday isir,wasiir,walcan
Abaabulid(da)

Abaabulid :(da) Arrin isku duwid:hagaajin,qabanqaabin,dumid,(col)
Abaadid(da)ku ku daa’imid,ku waarid,ku ahaansho

Abaahi (ga)isu taga awrka iyo hasha
Abaahid(da)(awr)kudid
Abaaji(ga)Lumid waa danbe la tabo,tasow
Abaajiyid(da) Baadi wax badan sii maqnayd,iyadoo aan la tebin,tasoobid


Abaaldhac(a)Abaal la isku falay been iyo asaaraarid ku gudid.
Abaaldhicid(da)Abaal la isku galay oo la asaraaro, la beeneeyo.
Abaalgud(ka)wanaag iyo samal fal laysku galay oo wanaag kale lagu gudo.
Abaal gudid(da)Abaalmarin,abaal celin.
Abaalhayn(ta)Samaan la isu falay,mahad iyo xusuus  wanaagsan u hayn.
Abaalmarin:(ta)Abaalkiis abaal leg marin,abaal gudid.
Abaar(ta)Roob la’aan,doog la’aan,jiilaal dheraaday.
Abaarayn(ta)Abaar ka dhegid.
Abaarikeentay:(da_ga)Dad aan dhulka u dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid.gadaal ka imaad,kooyto,(ab’ogaa iyo)
Abaaroobid(da)Abaar noqosho.
Abab(da)Daaq barad(xoolo)
2.Dhallaanka yaryar waxbarsha doobo hore si cunno cunidda.sansaanka,habka,ku hayashada
ama (abaab)
Ababid(dad)yaraanta iyo korrimada hore,wax ku barasho.
Abad: kolna,marna,weli.
Abaqaal(ka)geed,dad) meel laga rujiyo oo meel kale lagu  abuuro,meel kale lagu koriyo,tallaal.
Abasax(a)geel…hasha kolka ay u baahan tahay owrka,sida ay tahay.
Abaydin(ta) caruur,canaaha ay hooyada ka nuugaan,ka gooyn.
2.caano aan kuwa hooyada ahayn,oo xoolaad,caruur siin oo ku korin.3.caruur lafteeda.
Abbaan (ka)Dad u taliya,madax, magan galin.
Abbaanduule (ha)col ama ciidan duulaan ah,kan u madaxa ah.colwade,maqaddin, ama amaanduule.
Abbaanwarre(ha)Labada isku dhaxa kan lab,say,nin.


Abbaar(ta)sida eg,tusmo,marin.addanaan
Abbaaraha: Goor aan la sugi karin,laakiin la soo  dhawaynayo.

Abbaaraha: Goor aan la sugi karin,lakiin la soo dhawayn karo,ku dhawaad,meelahaas,qiyaas.
Abbaaran:(ku)ku beegan,ku toosan,ku aadan,
Abbaarid(da)leexleexad la’aan, iyo toos u aadid(ku) ku toosin,ku duwid,ku aadin.
Abboowe (ha) Erey walaal u dhigan oo kuwa wada dhashay am xigto ah ama isjecel,isugu yeeraan.ama boowe.
Abeer(ka)Neef ishkin ah (geel, lo) oo dhegid ah oo guurtuu ku curan lahaa aan ku curan,qaalin wali dhalin galgaal.(lo)tabis,ari. Ama ameer.
Abeeso(da)jaadad  badan oo halaq ka mid ah qaarkood wabaayo leeyihiin,waxaa  jira qaar lugo leh.iyagana abeeso lagu magacaabo.
 Abeeso-lugaley(da)jaad halaqa ka mid ah oo qalajisadda waa wayn lagu tirsho oo afar adin  iyo dabo leh,maso lugaleey,riyonuug.
 Abeesow (ga) Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraga u ekaado haraga abeesada.
Abguri(da)jaadadka abeesado midkood,beey.
Abhin(ta) Qofka laga baqo hayo,ama wax la celina hayo,hadal sameeya oo uu ka baqo(sida: hadii uu Allahaa Alle yahay) kula hadlid.

Abid(abid) ama “abad”  “abid”
Abjed(ka)Qobtol
Ablaawe: qof aan ab lahayn,aan taariiqdiisa la aqoon.
Abley (da) Qalab bir ka samaysan oo ragu dhexda ku xirto oo ku dagaalamo,tooreey,billaawe Ama “Amley”
Ab’ogaa:(ga)Dad dalka gudihiisa degganaa,aan gadaal ka imaad ahayn,waddani(iyo abaari keentay)
Aboodi (ga)haadka jaad ka mid ah oo wayn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda  guduudan.

Aboor (ka) cayayaan beelo beelo u dega oo dudumooyinka sameeya.

Abooto(da)hooyadaa hooyadeed ama abahaa,mocoowo,ayeeyo,2.fil wayn
Abooto idabbadis(ta) ayeeyo lug dheer.
Abqo (da) quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galgal dherdheer oo laba qalbac oo kulkeey ingagaan furma)geydhe,mergiyaale.
Abraar(ka)Soo bood


Abooto Idabadis (picture)

Abraarid(da) jibaaxid,majiirid,
Abris(ka) halaqa waa baayada leh jaad ka mid ah
2.halaqa duqoobay
Absaxan (ta) waalid, Isir.
Abshir (ta) Labo talo tan wanaagsan,tawfiiq 2-hadal Bishaaro ah.
Abti (ga)Hooyadaa walaalkeed.
Abtirsasho(da)Aabbeyaal iyo awoowayaal badan magac yadooda isku xiga sheegasho.
Abtirsiino(da) Abtirsi(ama abtirsiimo)

Abur xoor,Xunbo
Abuu maqas(ka)iskaanbe.
Abuur (ka) wax aan horay u jirin uumis, alkun, b,
Geed u baxahaya,docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolka la beero korta oo geed hor leg oo cusub noqda.laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta,firi.
Howsha la qabto kolka beerta abburka lagu rida hayo,2,sida loo uumay(farsamo,hab,qab)baxaali
Abuurcas(ka,ta) meseggada  jaad ka mid ah oo midabkeedu cas  yahay.
Abuurid(da) waxa aan horay u jirin uumid,curin,alkumid,jirsiin.dhalin,
ahaysiin.
Abuuris (ta)Uumis,jirsiin,dhalin,curis.
Abwaan (ka) qof  laamo badan  oo cilmi aqoon wayn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka,waaya arag,wax yaqaan,buuni,
2.buug ama buugag laamaha aqoontoo
dhami ku urursan yihiin.
Abwaanimo(da) Abwaan ahaansho,aqoon,tan abwaan u eg,lahaansho.
Abxad(da) Yaab iska garasho,yaabid,irkigid,ama kaagid,
Ashqararaarid.
Abyan: garasho ama dareen, wax   silan ama lala yaab,ay dhaliyeen, yaab,irkig,amakaag,ashqaraar./
Abaadi(da) Geed sal wayn iyo laamo yar yar leh oo buruqdiisa biyo badan  yahay.
Adaar biciid:nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togogga,wuxuu lee yahay,miro,kuwa bunka u eg,dhirta dawadana waa ka mid.
Adab(ta)kolay yar oo wax lagu gurto.
Adag : Aan jilicsanayn,kakan
Adar:Dheri wayn,2.Qoolley.
Adayg(ga) Aan Jileec ahayn,qalayf.
Addeecid(da) Wax la Is faray yeelid,u hogaasimid,okobanaansho.

1 comment: