Addimid (da) Aadaanka Salaada ku
dhawaaqid.
Addimid(da) Aadaanka Salaada ku dhawaaqid.
Addin (ka)lugaha iyo jeenyaha iyo
gacmaha midkood,2.Ereyo yar oo lagu dheraysto oo dadka tukashada loogu yeeero
(ama aandaan)
Addoon: (ka,ta)
qof la leeyahay,bide,biddad.
Addoonimo(da) Addoon ahaasho.
Addoonsasho(da) Addoon ka dhigasho.
Addoonsi(ga)Addonsad.
Adduun(ka) Dhulka iyo waxa dagan,ifka lagu nool
yahay,duni.
2.Maal,xoolo,hanti,Adduuniyo
Adduunyo(da)duni,Maal,xoolo,hanti.
Adeeg (ga)hawl,qabad.
Adeegsasho(da)how qabsasho,isu adeegid.
Adeege(ha)Hawl qabte,xoojiye,midiidin.
Adeegid(da) how cid u qabasho,
Adeegsasho(da)hawl cid ku qabsasho.
Adeer(ka) Aabahaa walaalkiis.
Adeeryo(da) goodirka dhedig.
Adi(ga)Adiga,aad,ku,kuu,
Qof lala hadlayo,
ama wax loo qora hayo magacuyaalkiis.
Adiga(adi,aad,kuu,)qofka lala hadlayo, ama wax
loo qora hayo magacuyaalkiisa.
Adkaan(ta)jileecdaro,qalafsanaan,
kakanaan.
Adkaansho:(ha) Adayg noqosho.
2,xoog,badnaansho,libaysaho,
quulaysasho.
Adkayn(ta) hawl,ka dhigid.
Adkaysasho(da) hawl dhib ah,xanuun adkaysi u
lahaansho,dhabar adkaansho,duqaadasho.
Adkaysi:( ga)hawl dhibaato,xanuun,dhabar adayg u
lahaansho.
Dulqaad.
Adooga(addog) adoogaa,-giis,geed,kd)
Aabe.
Adyad (da) gardaro,maag.
Af: (ka)Xubinta nafleydu cunnada ku cunto
oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yalliin.2,Ereyada iyo ulajoodooyinkooda,hadal
dhan oo tol isku afgarto,
3.Dhinaca
birtu wax ka goyso.
Afaaf (ka) Meel furan, (xero, derbi, aqal) oo
la galo ama laga baxo, illin, kadin, irrid.
Afagaal(ka,sha)toddobad xidigood oo raqaha,waxay
u dhaxaysaa nuguushicad iyo naafacade
Afar (ta)Tirada seddexda iyo shanta u
dhaxayso.
Afargees(ka,ta)Muug fidsan oo leh
Afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer leg.
Afarran(ka) Seddex kale oo badanaa la dhalay weheliso oo afar ku tahay.
Afarrey(da) Gabay yar,shanley.
2(.shax) afar iska
soo horjeeda oo hogi u dhaxayso, oo ka samaysan labo jare oo taaga. (isku dhici
kara)
Afarsuule(ha)muruq afar suul ama afar madax
leh,siiba muruqa ku yaal bowdada dhinaceeda kore,oo kolka uu isku rooro lugtu
kala baxdo oo fidsanto,
Afartamaadan:(ka) tirada heerka afartanka ku abbaaran
40da ama Afartamaad, 2-xilli-roob oo hada ama qora, hadal qurux badan oo
dadka aad u saameeya.
Afti: (da) arin ama qaanuun in la oggolaado
ama la diido darteed dadaweynaha ama tolka loo bandhigo.farriin.
Aftin:(ta) 1 kobta banka iyo dhirtu dhinaca
isafa hayaan oo labada laga gaari karo,iran
2.meel dihin oo
aan la daaqin.
Aftoolin(ta) meel halis ah oo aan gabaad
lahayn,cabsi,dhawr,goldaloosho,
Ama afdoolin.
Afuufan: Neef la
galiyay,nafaysan,la afuufay, la buufiyay.
No comments:
Post a Comment